FURSAD DEEQ WAXBARASHO (African International University – Sudan)
___________________________________________
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee dawladda Federalka waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee dhamaysatay dugsiyada sare inay u hayso fursad Deeq Waxbarasho ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Africa (African International University).
TIRADA BOOSASKA: 4 arday
SHURUUDAHA:
1. Waxaa inuu ka mid yahay ardaydii galay imtixaanka Dugsiyare Sare ee dawladda sanad dugsiyeedyada 2015/2016 ama 2016/2017.
2. Inuu haysto shahaadada Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada oo ka tasdiiqan Wasaaradda Arrimaha Dibadda, lehna shuruudahan:
a) In celceliska (average) aanu ka yareyn 85%
b) Inuusan ku dhacsaneyn hal maaddo
3. Inuu haysto baasaboor aan dhacsaneyn
4. Inuu haysto warqadda dhalashada
5. Inuu haysto warqadda asluub wanaagga.
6. Inuu ku hadli karo, fahmi karo, qorina karo Luuqadda Carabiga, diyaarna u yahay inuu maro imtixaan tijaabo ah.
7. Inuu soo soo gudbiyo 2 sawir oo teesare ah
8. Inuu haysto caddeyn isbitaal oo ku saabsan caafimaad qabkiisa.
9. Gabdhaha ardayda ee soo codsanaya waxaa laga rabaa inay warqad oggolaansho ka keenaan waalidka ama qofka masuulka ah.
10. Inuu iska bixin karo qarashaadka ticket-ka lagu tagayo Suudaan (Go & Back)
N.B. (1) Luuqadda uu ardaygu wax ku baranayo waa Carabi.
(2) Ardaygu waxa uu baran karaa dhammaan kulliyada kale marka laga reebo Caafimaadka (Medicine)
(2) Waxbarashada, jiifka iyo cuntada waa lacag la’aan
Ardaygii buuxin kara dhamaan shuruudaha aan kor ku soo sheegnay waa inuu keenaa documents-ka loo baahan yahay Xafiiska Xiriirka Caalamiga & Deeqaha Waxbarashada ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare (agagaarka Soobe) ugu dambeyn Maalinta Arbacada oo ku beegan 14/02/2018, saacadda 10ka subaxnimo. Ardaygu waa inuu ka qayb galo imtixaanka tijaabada oo la qaadayo Maalinta Sabtida oo ku beegan 17/02/2018. Tirada loo baahan yahay oo xadidan awgeed waxa la tixgelinaynaa kuwa ugu horreeya ee soo gudbiya documents-ka oo dhamaystiran.
Wixii faah-faahin dheeraad ah kala soo xiriir
Email: Scholarship@moe.gov.so
Tel: 0613061965