Maamulka Degmada Baydhabo
Baahin Qandaraas
Dayactirka iyo dhisida saddex fasal oo loogu talagalay saddex dugsi hoose Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay, Caasimada Ku-meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
SN No: Mashruuca Magaca Mashruuca Goobta
1. DHB/JPLJ/01/2023 Mashaariicda Maamul-daadejinta Waxbarashada: Baidoa
Maamulka Degmada Baydhabo ee Gobolka Baay oo bilaabeysa hanaanka daadejinta adeega ee adeega
waxbarashada aasaasiga ah ayaa Dowlada Hoose ee Degmada ku casuumeysaa tartan qandaraas bixin
dhammaan shirkadaha dhismaha wadaniga ah ee gaarka loo leeyahay (Private Construction Companies)
Dayactirka iyo dhisida fasalo laga dhisayo 3 Dugsi hoose/dhexe oo ku yaalo degmada Baydhabo kuwaas
oo magacyadooda kala ah Dugsiyada Cabdalla Deerow, Dugsiga Dr. Ayuub iyo Dugsiga Mustaqbal.
Dukumiintiga ka qaybgal ee Qandaraaska (Tender Documents) oo dhameystiran waxa uu diyaar ku yahay
Xafiiska Waaxda Iibka & Qandaraasyada ee ku dhexyaal Xaruunta Dowlada hoose ee Degmada Baydhabo
laga bilaabo 15/01/2023, saacaduna tahay 10:00 Subaxnimo.
F.G. Qabashada Dukumiintiga Tartank ee Shirkadaha waxa uu ku egyahay 21/01/2023 saacadda 12:00
duhurnimo, iyadoo si rasmi ah loo furi doono sanaadiiqda tartanka isla maalinta uu xirmayo qabashada
dukumentiga. Tartamamahu wuxuu soo hagaajinayaa codsiga Xafiiska Waaxda Iibka & Qandaraasyada
isagoo keenaya 2 Nuqul (Original & Copy) uu uga qeybgelayo tartanka. (F.G. Lama aqbalayo codsi lagu soo
dirayo email ahaan).
Wixii faahfaahin dheeri ah waxaad kala xiriiri kartaa Xafiiska Waaxda Iibka & Qandaraasyada ee Degmada
Baydhabo adigoo wacaya telkan 0615831919 islamarkaasna ku diraya email-yadan
baidoa.dc.mayor@gmail.com waxaad sidoo kale ogeysiineysa moisws.procurement@gmail.com
Codsi kasta ee kasoo dib-dhaca waqtiga qabashada ee sare ku xusan lama aqbali doono. Maamulka Degmada Baydhabo waxa ay xaq u leedahay in uu aqbalo ama diido dukumentiyada tartanka ee la xariira Baahinta Qandaraaskan, sidoo kale waxa uu xaq u leeyahay mar walba baabi’inta Qandaraaskan ka hor inta uusan dhicin heshiis rasmi.
Mahadsanidiin!